Home Wararka Maanta Nin Doonaayay inuu Qaraxyo Culus Fuliyo oo Asaga Iyo Qaraxyadiisii Muqdisho lagu...

Nin Doonaayay inuu Qaraxyo Culus Fuliyo oo Asaga Iyo Qaraxyadiisii Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)

0

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku fashiliyay boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ,oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah.

Ciidanka NISA ayaana degmada Cabdicasiis gaar ahaan agagaarka xeebta Liido ku qabtay nin dhallinyaro ah oo watay boorso lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, taa oo la ogeyn goobta la doonayay in lagu bartilmaameedsado.

War kasoo baxay laamaha ammaanka ayaana lagu sheegay in gacanta lagu hayo boorsada waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ninkii watay, waxa ayna xuseen in ninka la hayo baaris lagu sameenayo lana horgeenayo caddaaladda.

Qaraxan caawa la fashiliyay ayaa imaanaya xilli ciidanada ammaanka xoojiyeen amniga caasimadda Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka ammaanka lidiga ku ah.

Ad
Previous articleSaciid Cali Gacamey iyo Hub uu Watay oo lagu Qabtay Galmudug
Next articleMaraykanka oo Soomaaliya iyo Itoobiya ugu sheegay kulankii Addis Arin Xasaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here