Home Wararka Maanta Sababtii uu Sayid Cali Ugubay Xaaskisii Luul Cabdicasiis oo ka ogaaday

Sababtii uu Sayid Cali Ugubay Xaaskisii Luul Cabdicasiis oo ka ogaaday

0

Sheekada Dilaaga xaaskiisa gubay iyo siday wax u dhaceen ayaa waxaa ila wadaagay shaqsi ka mid ah qaraaba hoosaadka, oo iga codsaday inan magaciisa isticmaalin, kaas oo si hoose ula socday kiiskan iyo wixii ka horeeyay inta uusan dhicin falka walashen allaha uraxmadee ay nafteeda ugu danbeyn ku waysay.

Sayid Cali ayaa ahaa shaqsi isticmaala qamaarka 1XBET, kaas oo maandooriyay maskada dhalinyara badan, waxana uu Sayid kuwaayay qamaarkaas lacag gaareysay saddex iyo toban kun oo doollar ($13,000) oo ay ku jirtay lacag ay lahayd marxuumadda.

Sayid ayaa markii uu guriga kusoo laabtay, lagana soo xaalufiyay lacagtaas oo uu qamaarka ku dheelay ayaa waxa uu u yimid habeen xaaskiisa, oo uu waydiiyay inay u’iibiso dahabkeeda si uu usoo ceshto lacagta looga qaatay qamaarkaas, waa siduu aaminsanaaye.

Marxuumadda ayaa ka biya diiyay arrinkaas oo waxay u sheegtay inaysan siinayn dahabkeeda, meeshaasna gacan ka hadal ayaa ka dhashay oo waxaa ay u cara tagtay guriga aabaheed, halkaas oo maalmo kadib Sayid uu wacay aabaheed oo uu usheegay in gabadha lacagteedana uu siinayo gurigana ay kusoo noqoto.

Halkaas waxaa ka bilowday gacan ka hadal kale oo sababteeda ahayd inuu mar kale waydiiyo dahabkii, illeen waa qof qamaar ciyaara sida uu shaqsiya ehelka u ah ila wadaagaye, waxana markiiba uu soo qaatay basiin, oo uu kaga danlahaa inuu qolka ay dahabka ku qarisay gabigiisba gubo, waxana uu dab ku qabtay qolkii, halkaas oo ay marxuumad Luul ku carartay qolka, si ay uga soo ceynsato waxii ay awooddo.

Dilaa Sayid Cali ayaa markii ay qolka gashay kor uga xiray oo halkaas ay gabadhu ku jirtay daqiiqado badan, naqaskana uu kuxirmay halkaasna ay kusuuxday, waxana seygeeda markiiba uu isyiri bal eeg, waxana uu arkay Luul oo dhulka taal, wana uu soo jiiday iyadoo gubatay, sida uu iisheegana qofka sheekada ila wadaagay, gacanta markaas ayaa uu isagana ka gubtay.

Ujeedka sheekadu maaha in uusan kas u gubin oo waa uu u bareeray qol gubanaya inuu xaaskiisii kor kaga xiro, taasna ay sababto inay si xun ugu gubato, waxana markiiba uu sidaas kaga cararay guriga, oo dib maanu soo eegin, ila Shalay laga soo dajiyay Muqdisho, lagana soo qabtay deegaan u dhaw degmada Gallinsoor , waxana rajaynayaa in Marxuumad Luul ay hesho cadaalad, taas oo quus u noqon karta nin ama naag walba oo isku dayda ama ku dhacda inay dil ugeestaan seygooda/xaaskooda.

Waxaa qoray wariye Abdirizak Dhore

Ad
Previous articleHooyo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Galmudug
Next articleDagaal culus oo ka dhacay guriga Xildhibaan Xaadoole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here