Home Wararka Somaliya Galmudug Hooyo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Galmudug

Hooyo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan ay ka dhacday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi, taas oo loo gaystay Hooyo Soomaaliyeed.

Hooyada oo lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur ayaa waxaa si arxan darro ah u dilay kooxo hubeysan, kuwaas oo goobta isaga baxsaday dilka dhacdada.

Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ubax ee degmadaasi, waxaana la sheegay in xilliga la dilayay marxuumadda ay kusii jeeday gurigeeda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dableyda dishay haweeneydan ay waddada u galeen, kadibna ay rasaas kala dhaceen qaybaha sare , taas oo sababtay geerideeda.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad dooneysay inay dhacaan marxuumadda, balse markii ay wax ka waayeen ay sidaas ku dileen.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray kadib dhacdada, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan raggaasi oo goobta ka cararay.

Caabudwaaq ayaa waxaa horay uga dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo inta badan salka ku haya dhacdooyin aano qabiil oo ka jira halkaasi.

Dilka haweeneydan ayaa kusoo aadayo, xilli magaalooyin kale oo ku yaalla dalka lagu dilay gabdho Soomaaliyeed, taas oo walaac ku abuurtay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Ad
Previous articleAbiy Ahmed: ‘Itoobiya way leedahay awood ay is ku difaacdao, balse ma rabo inaan la dagaalo Soomaaliya’
Next articleSababtii uu Sayid Cali Ugubay Xaaskisii Luul Cabdicasiis oo ka ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here