Home Wararka Somaliya Sababtii Farmaajo isaga celiyay Dhalashada Mareykanka oo la ogaaday (Xog cusub)

Sababtii Farmaajo isaga celiyay Dhalashada Mareykanka oo la ogaaday (Xog cusub)

0

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa iska celiyay dhalashadiisa dalka Mareykanka 1-dii August 2019, waxaana go’aanka Farmaajo dhalashada isaga celiyay ka dhalatay hadal heyn badan.

Dadka taageersan Farmaajo ayaana xiligaasi ku micneeyay talaabada Madaxweyne Farmaajo dhalashada Mareykanka uga tanaasulay ay aheyd wadaninimo, halka dadka kasoo horjeedanaya fasiradao kala duwan talaabadaasi ka bixiyeen.

Wargeyska caanka ah ee kasoo baxa dalka Mareykanka ee New York Times ayaa ka shifay xog cusub oo ku aadan sababta keentay in Madaxweyne Farmaajo ka tanaasulo dhalashada dalka Mareykanka uu heestay sanado aad u badan.

Sida uu qoray Wargeyska New York Times sababta keentay in Farmaajo ka tanaasulo dhalashadiisa dalka Mareykanka ayaa ka dhalatay kadib markii baaritaano lagu bilaabay dhaqaalihiisa iyo sida uu ku helay .

Sadex sargaal oo reer Galbeed ah ayaa Wargeyska u sheegay in Waaxda Dakhli Uruurinta Mareykanka ee Internal Revenue Service (IRS) baaris qoto dheer ku waday Madaxweyne Farmaajo si uu uga bad baado baaristaasna isaga celiyay dhalashada Mareykanka.

Hay’adda IRS ee dalka Mareykanka ayaa awood badan u leh inay baarto lacagaha iyo dhaqaalaha soo gala muwaadin walba oo Mareykanka ah marka lagu tuhmo qaladaad, meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Wargeyska New York Times ayaa sidoo kale qoray in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heesto dhalashada dalka Canada dalkaas uu sanado badan ku noolaa Farmaajo.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili Farmaajo oo mudo xileedkiisu dhamaaday  isku dhajinayo xilka sidoo kale ka caga jiidaya in uu doorasho qabto, , waxaana Farmaajo hada heesta cadaadis xoogan oo uga imaanaya Dowlado Mareykanka ku jirto.

Ad
Previous articleTarsan oo Farmaajo ugu baaqay in uu maanta iska casilo Xilka uu hayo
Next articleCabdiweli Gaas oo ka Hadlay Ciidanka Kasoo horjeeda Mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo iyo Go’ankiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here