Home Wararka Maanta Saacad dhaleecayn u soo jiidday madaxweynaha Faransiiska, dood kulanla dhalisay

Saacad dhaleecayn u soo jiidday madaxweynaha Faransiiska, dood kulanla dhalisay

0

Madaxweynaha Faransiiska, Emmamuel Macron, ayaa la dhaleeceeyay kaddib markii uu iska siibay saacad nooca xaragada ah, xilli uu bixinayay wareysi ku saabsan isbadellada da’da howlgabka.

Faransiiska ayaa waxaa qabsaday dibadbaxyo iyo shaqo-joojin la xiriirta go’aanka uu Mr Macron sare ugu qaaday da’da howlgabka oo markii hore aheyd 62 haatanna uu gaarsiiyay 64-ka sanadood.

Wakiillada Mr Macron ayaa sheegay in madaxweynuhu uu saacadda iska bixiyay maadaama ay “ku dhacaysay miiska”.

Hasayeeshee dadka madaxweynaha dhaleeceeya ayaa ku andacooday in saacaddu ay muujisay sida uusan warba uga hayn dadweynaha.

Dadka qaar ayaa si khaldan ugu andacooday in saacaddu ay joogto illaa to €80,000 ($86,000; £70,000), balse aqalka madaxtooyada Faransiiska ee the Élysée Palace ayaa sheegay in taasi aanay sax ahayn.

Arrintan ayaa dhacday xilli uu socday wareysi la qaaday Arbacadii, markaas oo Mr Macron uu turxaanbixinayay sababaha uu sare ugu qaaday da’da lagu noqdo howlgabka.

Mar uu gacmihii saaray miiska ayaa la maqlayay miiska oo shanqaraya.

Madaxweynaha ayaa markaasi kaddib isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu gacmihiisa geliyay miiska hoostiisa. Markii uu markale kor u soo qaaday gacmihiisiina saacaddu uma aanay xirnayn oo waa uu siibay.

Kooxdiisa ayaa ku adkaysatay in waxba aanay ku qarsoonayn siibista saacadda. Hasayeeshee saacadda gacanta ka maqan ayaa durbadiiba waxaa dareemay kooxaha dhaleeceeya.

Clémence Guetté, oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga garabka bidixe ee France Insoumise, ayaa ka qeybqaadanaysay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo isbadelka lagu sameeyay da’da lagu noqdo howlgabka.

Waxa ay barteeda Twitterka soo dhigtay in madaxweynaha uu ku andacooday in dadka mushaarka yar qaata ay leeyihiin awood wax iibsi oo aanan nooceeda oo kale hore loo arag, “balse sawirkii ugu dambeeyay” ayaa noqday kan madaxweynaha “oo iska siibaya saacadda aadka qaaliga u ah”.

“Madaxweyne taajir ah weligiiba magac wanaagsan muusan samayn,” ayey tiri saaxiibteed, Farida Amrani.

Lacagta rasmiga ah ee ay joogto saacadda ayaa online-ka looga dooday, iyadoo qaar kamid ah dadka dhaleeceeya Mr Macron ay tilmaamayaan inay saacaddu joogto €80,000.

Hasayeeshee aqalka madaxtooyada Farassiiska the Élysée Palace, ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in madaxweynaha uu xirnaa saacad nooceedu uu ahaa Bell & Ross BR V1-92.

Sicirka saacaddaas markii online-ka laga fiiriyo, iyadoon si gaar ah sakhsi loogu habayn, ayaa waxa uu u dhaxeeyaa €1,660 iyo €3,300 (£1,460 iyo £2,900).

“Muddo ka badan sannad iyo bar ayuu madaxweynuhu si joogto ah u xiran jiray saacaddan,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay madaxtooyada.

Mr Macron ayaa dadka ay siyaasadda isku hayaan waxa ay muddaba ku dhaleecayn jireen taageerada uu siiyo dadka qaniga ah.

Bishii Febraayo, waxaa aad loogu weerraray inuu Jeff Bezos, oo ah mid kamid ah ragga ugu qanisan caalamka, inuu siiyay abaalmarinta ugu sarraysa Faransiiska, halka dadku ay ku dibadbaxayeen waddooyinka iyagoo ka cabanaya mustaqbalka dhaqaalahooda.

Waxaase layaab leh in Mr Macron uu mararka qaar isku tilmaami jiray inuu yahay “sayidka saacadaha” sababo la xiriira inuu jecel yahay inuu dejiyo xawaaraha siyaasadda Faransiiska.

Waxa uu ku dooday in isbeddelka lagu samaynayo da’da hawlgabku ay tahay wax “lagama maarmaan” ah, si miisaaniyada hawlgabka looga ilaaliyo inay hoos u dhacdo.

Xukuumaddiisa ayaa todobaadkii hore go’aansatay inay isticmaasho awood dastuuri ah oo gaar ah si ay u meelmariso dib-u-habaynta lagu sameeyay sharciga iyada oo aanan loo codayn, kaddib markii ay ogaatay inay ku adkaan doonto inay Golaha Shacabka ka meelmariso hindisahaas wax laga badelay. Tallaabadaas ayaa dhalisay laba cod oo kalsooni kala noqosho ah, taas oo ay ka badbaaday xukuumadda.

Murankan ayaa dib u soo cusboonaysiiyay deganaanshiyo la’aan ka jirta guud ahaan dalka, kaasoo soo billowday bishii Janaayo markaas oo la soo bandhigay qorshayaasha.

Booqasho uu todobaadkan dalkaas ku tegi lahaa Boqor Charles III ayaa arrimaha taagan awadood dib loo dhigay.

Mudaharaadyada waxaa barbar socday shaqo joojin baahsan oo ay ku lug lahaayeen kooxaha gaadiidka ka shaqeeya, macallimiinta, kuwa qashinka qaada iyo howlwadeennada sifeeya shidaalka.

Ad
Previous articleXiisadda muhaajiriinta Yurub: Tobannaan qof oo lagu la’yahay xeebaha Tunisia
Next articleAlshabaab oo Deegaano Cusub oo Ka Tirsan Laga Saaray Iyo Ciidamada Dowlada Oo la Warewgay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here