Home Wararka Caalamka Ruushka oo sheegay in Diyaarad Nuuca Drone-ta ay Duqeysay Saldhig uu Dalkaasi...

Ruushka oo sheegay in Diyaarad Nuuca Drone-ta ay Duqeysay Saldhig uu Dalkaasi leeyahay

0

Wasaaradda difaaca Raashiya ayaa sheegtay inay diyaarad drone oo ay Milliteriga Ukraine leeyihiin ay waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah beegsatay Saldhiga Ciiddanka Cirka Raashiya ee Engeles Airfield ee ku yaalla Gobalka Saratov ee gudaha fog ee dalkaasi.

Diyaaradaasi oo joog hoose ku duulaysay ayaa waxaa toogtay, soona riday Nidaamka Difaaca ee yaalla Saldhigaasi.

3 qof oo Farsamo-yaqaano ah ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray burburka Diyaaradaasi la soo riday.

Wasaaradda difaaca ee Raashiya waxay sheegtay inaysan waxyeelo soo gaarin diyaaradihii yaallay Saldhiga la duqeeyey ee ku yaalla Gobalka Saratov oo 900 KM u jira Deegaanada ay Milliteriga Ukraine ka joogaan bariga dalkaasi.

Saldhigyada Ciiddanka Cirka Raashiya ee Engles iyo Dyagilevo waxaa adeegsada Diyaaradaha wax duqeeya Raashiya ee ridada dheer (Russia’s long-range Bombers), kuwaasi oo ka qeyb qaata Hawlgallada Duqeymaha ee lala beegsado Xarumaha Milliteriga Ukraine iyo Kaabayaasha Tamarta (energy infrastructure).

W/Q Ustaad Nuradin

Ad
Previous articleXiddigii uu Zinedine Zidane ku tilmaamay inuu ka mid yahay ciyaartoydii ugu fiicnaa ee abid oo Goordhow Geeriyooday
Next articleQodobada loo hadlayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Ee Ka Furmay Muqdisho oo lasoo bandhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here