Home Wararka Caalamka Ruushka oo Qirtay inuu Gantaalo Culus u adeegsaday Dalka Ukrain

Ruushka oo Qirtay inuu Gantaalo Culus u adeegsaday Dalka Ukrain

0

Dowladda Ruushka ayaa duullaanka ay ku qaaday dalka Ukraine u adeegsaday hub culus oo nuucyo kala duwan, waxaana laga cabsi qabaa in Ruushka oo dagaalka khasaaro badan kasoo gaaray in dagaalka u adeegsadaan hubka kiimikada.

Ciidamada Ruushka ayaa horey loogu eedeeyay in gantaalo nuuca xawaaraha sare ku socda u adeegsadeen dagaalka ay ku qaadeen dalka Ukraine,hasa ahaatee Ruushka ayaa horey u beeniyay eedeymaha qaar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ciidamada Ruushka burburiyeen bakhaar dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla galbeedka Ukraine, waxaana bakhaarkaasi lagu weerarary gantaal nuuca Kinzhal.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka gantaalaha Kinzhal oo wata gantaalada hawada sare uu burburiyay bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay ku keydsanaayeen gantaalada iyo rasaasta hawada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gantaalka Kinzhal ku tilmaamay hub tayadiisu sarreyso oo ku duuli karo xowli toban laab ka dheereeya kan codka, kana gudbi kara difaacyada gantaalaha hawada.

Gantaalkan Ruushka u adeegsaday weerarka uu ka geestay gudaha Dalka Ukraine oo ah nuuca  ballistic-ga ah ayaa ah nuuca xawaaraha sare, waxa uuna noqonaya amarkii ugu horeesay oo gantaalkan Ruushka dagala u adeegsado.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Putin oo Cabsi Xoogan lasoo Daristay shaki Xoogana Ka Qabo in La Khaarijiyo
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal(Sawiro)