Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal(Sawiro)

Raysulwasaare Rooble oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf.

Rooble ayaa kala hadlay Guddoomiyaha hirgalinta jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada ee guddigu shaaciyay iyo dhameystirka doorashada Xildhibaannada harsan.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay inay dardargeliyaan doorashada Xildhibaannada dhiman, inay dhaqan geliyaan jadwalka ay soo saareen.

Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa ka soo horjeestay jadwalka dhameystirka doorashada iyo dhaarinta Xildhibaanada ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka federaalka, waxaana dhinaca kale soo dhoweeyey beesha caalamka.

Ad
Previous articleRuushka oo Qirtay inuu Gantaalo Culus u adeegsaday Dalka Ukrain
Next articleShir looga hadlaayo Arimo Xasaasi ah oo Villa Soomaaliya Soo Qaban Qaabisay oo Maantay Mqdisho ka Furmay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here