Home Wararka Caalamka Madaxweyne Putin oo Cabsi Xoogan lasoo Daristay shaki Xoogana Ka Qabo...

Madaxweyne Putin oo Cabsi Xoogan lasoo Daristay shaki Xoogana Ka Qabo in La Khaarijiyo

0

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa xaalad cabsi iyo walaac lasoo daristay, xilli ciidamadiisa ay howlgal milatari oo khasaaro badan dhaliyay ka wadaan qeybo badan oo kamid ah dalka Ukraine.

Ruushka ayaana wajahaya culeesyo badan oo soo foodsaaray kaddib duulaanka ay ku qaadeen Ukraine, waxaana hada soo korortay in Madaxweyne Vladamir Putin naftiisa lasoo daristo cabsi uu ka qabo in la khaarijiyo.

Madaxweyne Putin ayaa la sheegay in uu ka shakiyay shaqaalihiisa gaarka ah gaar ahaan kuwa raashinka u kariya, waxa uuna bedelay dhammaan shaqaalihiisa gaarka ah oo gaarayay ilaa 1,000 qof.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Madaxweynaha dalbaday in marar badan laga dhadhamiyo raashinka loo keeno, waxa uuna cabsi badan ka qabaa in la sumeeyo looguna daro raashinka sun noloshiisa halis gelin karta.

Dalka Ruushka ayaa caado ka ah qofka la doonayo in la khaarijiyo in loo adeegsado sun, waxaana horey loo sumeeyay balse ka badbaaday hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Ruushka sida weyna uga soo horjeeda Madaxweyne Putin.

Ad
Previous articleAskari maraykan ah Oo Ka Dagaalamyay Ukrain “Runtii waan soo fuddudaaday meeshu sidii aan moodayay maaha waa halis aan caadi ahayn”
Next articleRuushka oo Qirtay inuu Gantaalo Culus u adeegsaday Dalka Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here