Home Wararka Maanta Ruushka oo kumanaan askari loogga dilay loogana dhaawacay

Ruushka oo kumanaan askari loogga dilay loogana dhaawacay

0

Dagaalka Bakhmut, oo ah magaalo ku taalla dalka Yukreen, taasoo Ruushka ku qaatay bilihii la soo dhaafay inuu qabsado, ayaa waxaa wali ku socda magaaladani dagaal, sida uu yiri taliye sare oo reer Ukraine ah.

Horaantii bishan, saraakiisha reer galbeedka, ayaa ku qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000 illaa iyo 30,000 oo askarta Ruushka ah, in lagu dilay ama lagu dhaawacay Bakhmut, tan iyo xagaagii hore.

Laakiin iyada oo ay taasi jirto, Valerii Zaluzhnyi, ayaa sheegay in “dadaalka ballaaran” ee militariga Ukraine, ay dib ugu riixayaan Ruushka uu wali socdo.

Maamulka Moscow, ayaa quus ka taagan guul uu ka gaao Bakhmut, ka dib markii ay ku guul dareysteen inay ka gun gaareen maalmihii la soo dhaafay.

Iyadoo ay taasi jirto, falanqeeyayaasha militariga, ayaa aaminsan in Bakhmut ay leedahay qiimo istiraatijiyadeed, muhiimada magaaladuna ay hadda tahay mid muuqata.

Dhanka Facebook, Lieutenant General Zaluzhnyi, ayaa sheegay in iyada oo xaaladda ka jirta jiida hore ee Ukraine “ay aad u adag tahay jihada Bakhmut … sababtoo ah dadaalka weyn ee ciidamada difaaca, isagoo ku adkeystay iney guuleysan doonaan, xasiloonina ay keeni doonaan.”

General Zaluzhnyi, ayaa baahiyey fariintan, ka dib markii uu la hadlay madaxa ciidamada ee Britain, Admiral Sir Tony Radakin, isagoo kala hadlay xaaladda Ukraine.

Hadalada generalkan, ayaa waxa kamid yihiin calaamadihii ugu dambeeyay ee togan ee saraakiisha Ukraine, ee ku saabsan dagaalka muddada dheer ka socda magaalada Bakhmut.

Khamiistii, Oleksandr Syrsky, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee dalka Ukraine, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay ku “daaleen” gudaha Bakhmut.

Syrsky ayaa waxa uu intaa ku daray in inkasta oo Ruushku “uusan ka quusan qabsashada Bakhmut qiimo kasta oo ay ku kacdo, in haddana ay ku baaba’een magaaladani ciidamadoodii iyo qalabkii ay wateenba… ayna luminayaan awood badan”.

Magaalada ayaa waxa ku noolaa 70,000 oo qof, ka hor intii aanu dagaalku bilaabmin, laakiin hadda waxa ku haray dad tiro yar, qaar badana waxay la ammaankooda.

Ad
Previous articleMala helay asal ahaan xayawaankii uu ka yimid fayriska cudurka Covid19?
Next articleMacalin caruur tusiyey taallo “anshax xumo ah” oo shaqada laga eryey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here