Home Wararka Maanta Ruushka oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada...

Ruushka oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada ee Patriot

0

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku hanjabay in ay bur burin doonaan nidaamka gantaalada difaaca hawada ee Patriot ee dowladda Mareykanka qorsheeneyso in ay ugu deeqdo dowladda Mareykanka.

Putin oo waraysi maanta siiyey telefishinka Russia-1, ayuu ku sheegay in 100% burburin doonaan nidaamka gantaalada difaaca hawada ee Patriot ee uu Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden horey u sheegay inay Ukraine ugu deeqi doonaan.

“Haa, dabcan, waxaan ka saari doonaa meesha 100% waan hubaa taasi, waana bur burin doonaa gantaalada Mareykanka siinayo Ukraine” ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Madaxweyne Putin ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay difaaca danaha qaranka Ruushka iyo danaha muwaadiniintooda, waxa uuna xusay in ciidamadooda diyaar u yihiin ilaalinta dadkooda iyo qarankooda.

“Anaga si fudud, ma haysano Xulasho kale, balse, badbaadinta muwaadiniinteena” ayuu yiri Putin oo sii raaciyey inaysan Dowladda Ukraine horey u haysanin nidaamyada gantaalada noocaasi oo kale ah.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheeneysa in dalka Ukraine ku taageerto nidaamka gantaalada casriga ah ee hawada Patriot si ay isaga difaacaan weerarada dhinaca cirka ah ee Ruushka.

Ad
Previous articleDeschamps Waa uu ku Saxanyahay inuu diido Benzema” Capello oo ku biiray Dagaalka ka dhex jira Xulka Faransiiska
Next articleIlhaan Cumar oo si Weyn loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho, Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here