Home Wararka Maanta Ruushka iyo Soomaaliya Oo Xariirkoodii dib usoo nooleeyey

Ruushka iyo Soomaaliya Oo Xariirkoodii dib usoo nooleeyey

0

Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Abshir Cumar Haruuse ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isagu toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee dhexmara labada dal wixii ka dambeeyay markii uu bilowday colaada Ruushka iyo Ukraine oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo awooddii hore ee xilligii dagaalka qaboobaa.

Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet 45 sano kahor.

Wixii markaas ka horreeyay Ruushka wuxuu xiriir dhow kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidankii burburay ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab.

Lavrov ayaa shaaciyay qorshahaan kadib markii uu wada hadal kula yeeshay Moscow wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Mr. Haruuse.

Ma uusan faahfaahin nooca iyo tirada qalabka ciidan ee ay ula diyaarka yihiin Soomaaliya. Sidoo kale ma cadda sida qalabkan ciidan u saameyn karo cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka oo gocday xiriirkii hore ee dalkiisu la lahaa Soomaaliya wixii ka horreeyay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ay ka tashadeyn u diyaargarowga shirka madaxda Ruushka iyo Afrika ee lagu wado in uu qabsoomo bisha Juulaay. Sarkaal sare oo qeyb ka ahaa wafdiga wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ee Moscow tagay ayaa BBC u xaqiijiyay in Lavrov balamahaas u fidiyay Soomaaliya inta uu socday shirka labada dhinac, iyo xitaa shirkii jaraa’id ee ay wadajirka u qabteen labada wasiir.

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka dheer ka bixiyo wada hadallada labada dhinac. Reer galbeedka ayaa hadda Ruushka ku eedeeyaa inay dalal dhowr ah oo Afrika ku yaal ka joogaan askar calooshood u shaqeystayaal oo ka tirsan kooxda Wagner la yiraa. Waxaa la tuhunsan yahay inay ka howlgalaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, Mozambique, Libya iyo dalal kale.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadalkii ugu horreeyay la yeeshay Rajab Dayib Erdogan
Next articleAl Shabaab oo soo bandhigtay hub aad u tiro badan oo ay ka qabsadeen Ciidanka Dowlada ee Ku sugnaa Degmo ka Tirsan Galmudug (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here