Home Wararka Somaliya Rooble oo ka hadlay Doorashada Puntland Xili Dagaalo ka socdaan Galmudug

Rooble oo ka hadlay Doorashada Puntland Xili Dagaalo ka socdaan Galmudug

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashooyinka qof iyo cod ah ee saaka ka bilowday qaar kamid ah deegaanada maamulkaas, taasi oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka Xili uusan wali ka hadlay Dagaalada ka socda Guriceel.

Rooble ayaa ugu horeyntii bulshada iyo hogaanka maamulka Puntland ku bogaadiyey doorashadaas oo ka bilaabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, isagoona ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.

“Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.”

Doorashada saaka oo ah mid tijaabo, ayaa waxa codadkooda dhiibanaya dad gaaraya 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashadan, kuwaas oo ka codeynaya 54-goob oo loo diyaariyey.

Illaa sideed urur siyaasadeed oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa ku tartamaya doorashada, si ay uga mid noqdaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas.

Qardho waxaa lagu tartamayaa illaa 33 kursi, sidoo kale degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa illlaa 27 kursi, halka degmada Ufeyn si la mid ah lagu tartamayo 27 kursi.

Puntland oo la aasaasay 1-dii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof iyo cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee maamulkaas.

Ad
Previous articleCiidanka Ahlu-suna oo laga saari layahay Xaruunta Jaamacada ee Magaalada Guriceel
Next articleGolaha Musharaxiinta oo si Kulul uga Hadlay Dagaalka Gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here