Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Hakiyay 5 kursi oo Muran Xoogan Ka Taagnaa

Raysulwasaare Rooble oo Hakiyay 5 kursi oo Muran Xoogan Ka Taagnaa

0

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw qoraal uu soo saaray waxa uu ku hakiyay doorashada xildhibaanada beelaha Banaadiriga ee lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa sheegay in cabasho xooggan kasoo gaartay qaar kamid ah odayaasha beelaha banaadiriga, waxa uuna magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskiisa si ay cabashada u baaraan.

”Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga, si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Rooble.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa amray guddiga SEIT ee beelaha Banaadiriga in ay hakiyaan doorashada kuraasta Banaadiriga inta xal looga helayo cabashada kuraasta qaar ka keeneen beelaha Banaadiriga.
Kursiga ugu daran ee cabashada laga keenay ayaa ah kursiga ay leeyihiin culimada Fiqi, kursigaas ayaana la sheegay in loo boobayo xaaska Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Ad
Previous articleDeg Deg Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Baladweyne
Next articleGudoomiye Ku Xigeenkii Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga oo is Casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here