Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Deg Deg Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Baladweyne

Deg Deg Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan oo ismiidaamin ah lagu weeraray maqaayad weyn oo kutaala agagaarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku helnay qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa weeraray iskuna qarxiyay maqaayada lagu magacaabo Xasan Dhiif oo kutaala meel ku dhaw xarunta gobolka iyo goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Maqaayada qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheyd mid mashquul badan oo xilligaasi joogeen masuuliyiin, ergo, wariyaal iyo dad kale oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay magaalada Baledweyne, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay xiray ciidamada ammaanka kuwaas oo goobta ka wada howlgalo dadka waxyeelada soo gaartay loogu gurmanayo.

Ad
Previous articleXildhibaan Musharax C/Raxmaan odawaa oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo(Sawiro)
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Hakiyay 5 kursi oo Muran Xoogan Ka Taagnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here