Home Wararka Caalamka Reer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar...

Reer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban

0

QM ayaa mar kale ku boorisay Madaxda maamulka Taliban ee dalka Afghanistan inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah, oo dib looggu furayo dugsiyada sare dhammaantood, sannad ka dib markii kooxdu ay amar ku bixisay in gabdhaha ardayda ah ay ku nagaadaan guryahoodda.

Deeq bixiyeyaasha ayaa ugui baaqay in Taliban ay soo celiso xuquuqda haweenka ee waxbarashada, ayna ka shaqeeyaan sidii ay balaayiin Doolar u heli lahaayeen, kuwaasoo ah lacagaha dowladda Afghanistan ​​ee la xayiray.

Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay inay ahayd sannad-guuro naxdin leh, oo ay aheyd in laga xishoodo, oo gebi ahaanba laga baaqsan karayey.

Hey’adda ayaa xustay in ka-saarista joogtada ah ee hablaha dugsiga sare aanay lahayn sabab rasmi ah oo loo qaateen ah, oo aanay jirin meel kale oo dunida ku taalla, oo sidaasi lagu sameeyo.

Taliban ayaa ogolaatay in iskuulada wiilasha dib loo furo sanadkii hore, bil kadib markii ay la wareegeen gacan kuheynta magaalada Kabul. Laakiin dugsiyada sare ee hablaha ee inta badan dalkani, ayaa wali xiran.

Horraantii bishaan, qaar kamid ah iskuulada gabdhaha, ayaa dib loo furay magaalada Gardez ee gobolka Paktia, iyadoo ay caawinayaan odayaasha qabaa’ilka iyo macalimiinta, laakiin Taliban ayaa mar kale xirtay.

Hey’adda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in diidmada waxbarashada ay xadgudub ku tahay xuquuqda aasaasiga ah ee gabdhaha iyo haweenka.

Taliban ayaa sheegtay in wadanku uu u baahan yahay deegaan Islaami ah oo sax ah, kahor inta aan ardayda gabdhaha ah loo oggolaan inay dib u bilaabaan waxbarashadooda.

 

 

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda Oo Bilaabay inay Gowracaan Alshabaabkii ay Qabtaan.
Next articleMareykanka oo la saftay Armenia eedeyn culusna u jeediyay dalka Azerbaijan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here