Home Wararka Caalamka Reer Galbeedka oo ka Carooday Hadal kasoo Yeeray Wiil uu Dhalay Madaxweynaha...

Reer Galbeedka oo ka Carooday Hadal kasoo Yeeray Wiil uu Dhalay Madaxweynaha Uganda

0

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, ayaa ka careesiiyay wadamada reer Galbeedka kaddib markii uu taageeray qiilna u sameeyay duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.

Waxa uu sheegay taliyahan uu dhalay Madaxweyne Musevani in duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine uu ku saxan yahay, waxa uuna xusay in duulaankaasi taageersan yihiin dadka inta badan marka laga reebo dadka cadaanka ah.

“”Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?” ayuu yiri Muhoozi Kainerugaba,.

Hadalkan ayaa ka careesiiyay wadamada reer Galbeedka oo si weyn uga soo horjeeda duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxa ayna hadalka kasoo yeeray wiilka Madaxweynaha Uganda ku tilmaameen mid aan la qaadan karin.

Ku xigeenka wafdiga Midowga Yurub Dionyz Hochel ,oo ku sugan dalka South Sudan ayaa hadalka kasoo yeeray wiilka Musevani ku tilmaamay mid aan la aqbali karin,waxa uuna xusay in Uganda cawaaqib xumo wajahi doonto hadii ay taageerto duulaanka Ruushka.

Wadamadda Afrika kuyaalla ayaa inta badan u muuqda kuwa aan kasoo horjeedin kana gaabsaday ka hadalka duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxaana wadamada reer Galbeedka ku cadaadinayaan dalalka Afrika in duulaankaasi cambaareeyaan.

Ad
Previous articleRuushka uu kasoo yeeray Hadal Cabsi Galiyay Reer Galbeedka
Next articleZelensky oo Yahuuda Aduunka ugu Baaqay inay Kacaan oo Codkooda kor u qaadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here