Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Qaabilay Qalbi Dhagax Calankana Huwiyay(sawiro)

Raysulwasaare Rooble oo Qaabilay Qalbi Dhagax Calankana Huwiyay(sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

 

Ad
Previous articleMaxay Ka Wada Hadleen Wafdi Maraykanka ee Soo Gaaray Hargaysa iyo Muuse Biixi(Sawiro)
Next articleAadan Madoobe oo Fariin U Diray Xildhibaanada Labada Aqal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here