Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Qaraxii Maanta

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Qaraxii Maanta

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayaa lagu yiri qoraal ka soobaxay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble.

Ad
Previous articleKusimaha Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya oo Xildhibaan Loo doortay
Next articleMidowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay Dhismaha Gole Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here