Home Wararka Somaliya Ra’isul Wasaare Rooble oo Faraxay Hay’adaha Dowladda in Cadaalada La marsiiyo dadkii...

Ra’isul Wasaare Rooble oo Faraxay Hay’adaha Dowladda in Cadaalada La marsiiyo dadkii Garoonka ku dagaalamay

0

RW Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marna la aqbali doonin dhacdadii foosha xumeyd ee maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde, kadib dagaal gacan ka hadal ah oo dhaxmaray ciidanka NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka.

RW Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo hy’adaha kale ee amniga in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xili Maanta Muqdisho gaar ahaan Garoonka Aadan cadde ay ku dagaalamyeen Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyasadaha iyo Ciidamada Dharcada ah ee NISA.

Xukuumadda ayaa fartay in si Deg Deg ah Loo soo qabto dadkii Dhibaatadaas ku kacay

Ad
Previous articleMasuuliyiin ka Tirsan Dowladda oo gaaray Garoonka Aadan cadde
Next articleMidowga Afrika oo Ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here