Home Wararka Somaliya Midowga Afrika oo Ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Farmaajo

Midowga Afrika oo Ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Farmaajo

0

Midowga Africa ayaa Warmurtiyeedka caawa ay soo saareen ku cambaareeyay tilaabadii 12kii Abriil 2021 Golaha Shacabku mudo kordhinta ugu sameeyeen Farmaajo. Waxayna sheegeen tilaabadaan in ay wiiqayso midnimada, xasilloonida dalka, geeddi-socodka iyo dimoqraadiyadda curdanka ah.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee hadda jirta iyo saameynya ay ku yeelan karto wadajirka dalka, midnimada hay’adaha amniga iyo la dagaalanka Alshabaab.

Waxayna ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka (FMS), iyo sidoo kale dhinacyada mucaaradka in si degdeg ah dib loogu laabto miiska wadahadalka si loo meelmariyo heshiiskii 17 September, kaas oo weli ah aasaaska iyo waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo in Soomaaliya laga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo daah-furan.

Safarkii Farmaajo ku tagay 18-kii bishaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, ujeedadiisuna ahayd in uu ka codsado Madaxweynaha Koongo oo hada ah Gudoomiyaha Midowga Afrika in uu kala shaqeeyo sidii loo baajin lahaa warbixintaan ayaa fashil ku soo dhamaaday, isagoo aad u caraysan ayuuna dalka dib ugu soo laabtay.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Faraxay Hay’adaha Dowladda in Cadaalada La marsiiyo dadkii Garoonka ku dagaalamay
Next articleTaliska Mareykanka ee AFRICOM oo ka hadlay Muddo Kororsiga Farmaajo caqabadaha uu ku yahay Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here