Home Wararka Maanta Madaxtooyada Soomaaliya oo u jawaabtay Sanater Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Madaxtooyada Soomaaliya oo u jawaabtay Sanater Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

0

Madaxtooyada dalka ayaa War kasoo saartay Warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha Bulshada oo ku aadan in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kusii jeedo Addis Ababa, si uu uga qeyb galo Shir, una saxiixo heshiis cusub.

Agaasimaha Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ku beeniyay Safarka la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku tegayo Magaalada Addis Ababa, uuna heshiis amni la galayo Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa uu sheegay Agaasime Cabdirashiid Xaashi in safarada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed

“Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin. Safarrada shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed” ayuu yiri C/rashiid Xaashi.

Sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada aya nasiib darro ku tilmaamay in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga golleh dano siyaasadeed.

“Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga golleh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa Xaashi.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdiraahiid Cali Sharmaake ayaa digay heshiis amni iyo mid difaac oo Madaxweyne Farmaajo doonayay inuu la saxiixdo dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea.

Ad
Previous articleMaxuu yahay Heshiiska Madaxweyne Farmaajo uu la gelayo Eritrea
Next articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Safiirada Beesha Caalamka oo Kulan wada qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here