Home Wararka Caalamka Ra’isul Wasaaraha Pakistan oo ka hadlay Eedeyn dil oo uga timid Imran...

Ra’isul Wasaaraha Pakistan oo ka hadlay Eedeyn dil oo uga timid Imran Khan

0

Nin hubeesan ayaa khamiistii rasaas ku furay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, waxaana weerarkaasi Imran Khan kasoo gaaray dhaawac dhinaca lugta ah, waxaa sidoo kale khasaaro kasoo gaareen qaar kamid ah taageerayaashiisa.

Imran Khan oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay in shirqoolka lagu dili rabay ay ka dambeeyeen Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ,wasiirkiisa arrimaha gudaha iyo xubno kale oo dowladda katirsan.

Ra’isul Wasaaraha Pakisatan Shehbaz Sharif, ayaa si adag u beeniyay eedeynta uga timid hoggaamiyaha mucaaradka ee Pakistan Imran Khan, waxa uuna cadeeyay Ra’isul Wasaaraha in warkaasi uu sheegay Imran Khan uu yahay waxba kama jiraan.

Shehbaz Sharif, ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarka lagu dhaawacay Imran Khan, waxa uuna maxkamadda sare ee Pakistan ka codsaday in baaritaan gaar ah ku sameyso eedeynta Imran Khan usoo jeediyay.

Dalka Pakistan waxaa ka dhacay banaanbaxyo ay dhigayaan taageerayaasha Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, waxa ayna dibad baxayaasha ku eedeeyeen dowladda in ay qorsheesay dilka hoggaamiyahooda.

Ad
Previous articleTurkiga oo soo dhaweeyay go’anka Sweden ee Kurdiyiinta Suuriya
Next articleRa’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Dhaqaatiir Dibadda uga timid gurmadka Qaraxii Soobe (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here