Home Wararka Somaliya Madaxweyne Farmaajo ”Waa in aan la dhageysan waxa ay noo sheegayaan Shisheeyaha”

Madaxweyne Farmaajo ”Waa in aan la dhageysan waxa ay noo sheegayaan Shisheeyaha”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo heshiisyadii horay loogu garay.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay hor istaageen wax walba oo sahli karay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, isaga oo sheegay in waxyaabo badna uu uga tanaasulay labada Madaxweynaha.

Heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo Villa Soomaaliya ayuu sheegay inay dhamaan ka horyimaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iy Puntland, sidoo kalena uu ka codsaday inay u so gudbiyan Gudiyada doorashooyinka balse ay diideen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay in Baarlamaanka waqtigooda uu dhamaaday, balse waajibadkooda qara ay yihiin kuwo weli gudanaya.

Ugu dambeyn  Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal buuxa oo go’amo gaari kara, loona baahan yahay in an la dhageysan waxa ay sheegayaan shisheeyaha

Ad
Previous articleGalmudug maamula u magacowday Degaanka Bacaadweyne oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Next articleRaisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay ka Shaqeynayaan xasilinta Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here