Home Wararka Somaliya Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay dagaalkii maanta iyo xalay ka dhacay...

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay dagaalkii maanta iyo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay in uu baaqdo banaanbaxa laakiin ay ka biyo diideen Madaxda Midowga Musharaxiinta oo uu sheegay in ay tilmaameen in dalka aysan ka jirin doorasho.

Waxaa uu mucaaraadka ku tilmaamay in ay weerareen Saldhigayada Ciidanka dowladda Soomaaliya, islaamarkaana ay tahay taasi wax laga xumaado.

Labo weerar ayaa xalay iyo maanta lagu qaaday Midowga Musharaxiinta, waxaana ay sheegeen in qaarkood ay ka badbaadeen isday dil la rabay in lagu qaariyo.

Ad
Previous articleDagaal ka socda Magaalada Muqdisho maanta
Next articleSawiro:- Banaan-baxyada Muqdisho ka hor inta aysan bilaan Xabadaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here