Home Wararka Maanta Qof rakaab ah ayaa furay albaabka diyaarad hawada ku jirta, Maxaa dhacay...

Qof rakaab ah ayaa furay albaabka diyaarad hawada ku jirta, Maxaa dhacay ka dib?

0

Nin ayaa loo xiray inuu furay albaabka badbaada ee sida degdegga ah looga dago diyaaradda marka khatar ay jirto. Duulimaadka diyaaradda Asiana ayaa la filayay inay caga dhigato dalka Kuuriyada Koonfureed.

Dhammaan 194 rakaab ee saarnaa dulimaadka ayaa bad qaba, iyadoo diyaaradda oo albaabku u furan yahay ay si nabada ugu dagtay dhabbaha diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka caalamiga ah Daegu Jimcihii.

Kala bar rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa la kulmay dhibaato xagga neefsashada ah, waxana loo qaaday isbitaalka, sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Ninka furay albaabka diyaaradda oo da’da sodonaadka ku jira ayaa la xiray markii diyaaraddu cagadhigatay.

Xiliga saxda ah ee la furay albaabka diyaaradda ma cada, waxaase la furay xili gabagabo uu ku dhawyahay dulimaadka daiyaaradda oo ah abaare 12:45 xiliga gudaha (03:45GMT) sida warbaahinta Kuuriyada Koonfureed werisay.

Shirkadda diyaaraddaha ee Asiana waxay sheegtay in boolisku bilaabay baaritaan buuxa oo ku saabsan dhacdadan.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey khasaaraha weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday Buulo Mareer
Next articleXiliga lagu dhawaaqayo natiijada doorashada golayaasha deegaanka Puntland iyo Xisbiga Hogaanka Haaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here