Home Wararka Caalamka Qof ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm

Qof ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm

0

Hal qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm sida ay sheegaan warbaahinta kala duwan ee Sweden.

Qofka ku dhintay Qaraxa ayaa lagu sheegay in 35 sano jir oo ku sugnaa guri ku yaala Xaafad ku taalla Värnamo.

Qaraxa iyo jugtiisa ayaa la maqlay xalay abaaro 3 habeenimo markaasi oo booliska ay tageen goobta waxana xiligaasi ay dhaawac ahaan ugu tageen ninkan.

Booliska uma suura galin in ay badbaadiyaan ninkan oo dhaawaca soo gaaray markii danbe u dhintay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaanka kadib dharkiisa laga helay waxyaabaha qarxay iyadoo isla baaritaanka lagu sheegay in aysan aheyn wax qatar ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow goob la dhigto baabuurta.

Ad
Previous articleSweden oo Mamnuucday Safarada Lix Dal oo Mareykanka uu ku jiro
Next articleAlshabaab oo Beeniyay inay dileen ikraan Tahiil Faarax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here