Home Wararka Maanta Sweden oo Mamnuucday Safarada Lix Dal oo Mareykanka uu ku jiro

Sweden oo Mamnuucday Safarada Lix Dal oo Mareykanka uu ku jiro

0

Dowlada Sweden ayaa maanta ka dhaawajisay in ay mamnuucday safarada ugu imaanaya lix dal oo ay ku jirta Dowlada Mareykanka.

Dalalka Sida Lubnaan, Mareykanka, Israa’iil, Kosovo, Montenegro iyo Waqooyiga Macedonia ayaa laga mamnuucay soogalitaankooda Dalka iyadoo sidoo kale la kordhiyay mudada xayiraadooda.

Wasiirka arimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sababta ugu weyn ay tahay in kiisaska corona ee Wadamadan ay sii kordhayaan.

Waxa uu dhanka kale sheegay in ay la socdaan tilaabada ay dhawaan soo jeediyeen midowga Yurub ee ku aadan Xaalada Corona Sida wadamada Mareykanka oo kale.

Xayiraadaha ayaa la kordhiyay laga bilaabo 6 Semtemper waxayna soconayaan ilaa laga gaaro 31 -ka Oktoobar.

Ad
Previous articleHooyada dhashay Ikraan Tahliil oo sheegtay in gabadheeda ay ku maqantahay gacanta NISA
Next articleQof ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here