QM oo weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray

Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020.

“Dhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,” ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah.

“Xadgudubyo darran oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, oo ay suurta-gal tahay inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada, ayaa waxaa suurta-gal ah inay gaysteen dhinacyo kala duwan,” ayey tiri Bachelet, ayada oo xustay ciidamada Ethiopia, TPLF, Militariga Eritrea iyo ciidamada gobolka deriska ah ee Amxaarada.

Warbixinta Bachelet ayaa sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyey intii u dhaxeysay December illaa Janaayo, ayada oo ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin. Waxay sidoo kale xustay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab.