Home Wararka Maanta Dowlada Masar oo kusoo Biirtay Dagaalka lagu Baacsanaayo Alshabaab

Dowlada Masar oo kusoo Biirtay Dagaalka lagu Baacsanaayo Alshabaab

0

Dowladda Masar ayaa taageero weyn u muujisay dowlada Soomaaliya, kadib booqashadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi.

Masar ayaa gargaar caafimaad u fidisay qaar ka mid ah dhaawacyada askartii ku waxyeelowday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo laga dajiyey Qaahira, sida uu shaaca ka qaaday safiirka Soomaaliya uu fadhiyo dalkaasi, Amb. Ilyaas Sheekh.

Danjiraha ayaa sheegay in dhaawacyada askarta ay ku qaabileen garoonka Qaahira, si wax looga qabto xaaladdooda caafimaad, isaga oo sidoo kale u mahad-celiyey Masar.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay qasriga madaxtooyada ee dalka Masar ayaa waxaa lagu sheegay in gargaarkan uu qayb ka yahay taageerada ay siinayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo hadda la daala dhacayo xaalado adag.

Sidoo kale dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya usoo dirtay laba diyaaradood oo sida gurmad bani’aadanimo, si loogu caawiyo dadka tabaaleysan.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aadeyso ayada oo uu sii xoogeysanayo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, kaas oo dowladda ay sheegtay inay ka qayb qaadanayaan dowlado waa weyn, sida Mareykanka iyo Turkiga.

Ad
Previous articleQareen u dhashay dalka Kenya oo wajahayay eedeymo la xiriira faragelinta dacwad ka socotay Maxkamadda Caalamiga (ICC) oo geeriyooday.
Next articleIran: 75 qof oo ku dhintay dibad-baxyada ka dhashay dilkii Mahsa Amini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here