Home Wararka Maanta Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay(Sawiro)

Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay(Sawiro)

0

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi Bilaha oo marayay laamiga dheer ee Dayniile, waxaana qaraxan khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah .

Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Ceelka Ifis ee laamiga Dayniile hareerihiisa kuyaalla, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaariga Cabdi Bilaha ee marayay goobtaasi qaraxa lagu sii diyaariyay.

Goobjooge tagay goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in indhihiisa ku arkay dhaawacyada labo wiil oo shacab ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa uu sidoo kale xusay in ay jiraan khasaaro soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa.

Ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa dhankooda rasaas culus furay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo isugu jira milatari iyo booliis kuwaa oo baaris kuwada qaraxa dhacay iyo ciddii ka dambeesay.

Laamiga Dayniile ayaa marar badan waxa ka dhacay qaraxyo nuuca miinada ah oo khasaaro kala duwan kasoo gaareen dad shacab ah, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee laamigaasi ka dhacay lagu dilay masuul katirsanaa maamulka degmada Dayniile.

Ad
Previous articleKuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha
Next articleXukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Labo nin oo magaalada Muqdisho dilal ka geestay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here