Home Wararka Somaliya Qarax lagu dilay Taliyihii Ciidanka NISA ee Magaalada Dhuusamareeb

Qarax lagu dilay Taliyihii Ciidanka NISA ee Magaalada Dhuusamareeb

0

Gaadiid uu la socday Taliyihii Ciidamada Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qarax miino lagula eegtay meel u dhow Deegaanka Ceeldheere oo 30KM ujira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ilo degaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay askar kale oo taliyaha la socotay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb weli kama hadlin qaraxa, waxaana maalmihii la soo dhaafay degaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb waxaa kajiray dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dilka Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon (Qooje) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli la filayo in Caawa Magaalada Dhuusmareeb lagu qabto munaasabadda  Sanad-guurada 1-aad ee Doorashadii Madaxweynaha Galmudug.

Ad
Previous articleCiidamado Ahlu Sunna horay uga tirsanaa oo la wareegay Gacan ku heynta Degmada Matabaan
Next articlePuntland”Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here