Home Wararka Somaliya Ciidamado Ahlu Sunna horay uga tirsanaa oo la wareegay Gacan ku heynta...

Ciidamado Ahlu Sunna horay uga tirsanaa oo la wareegay Gacan ku heynta Degmada Matabaan

0

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay aroor hore degmadaasi la wareegeen ciidamadii hore ee kooxda Ahlu Sunna Waljameeca balse markii dambe la qarameeyay laguna biiriyay ciidanka dowlada.

Ciidamadan oo ku hubeesan gaadiidka kala duwan ee dagaalka ayaa saakay soo galay gudaha degmada Matabaan, waxaana lagu soo waramayaan in ay la wareegeen saldhiga booliiska iyo xarumo kale ay joogeen ciidamada dowlada.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamadan horey uga tirsanaa Ahlu Sunna balse hada kamid ah ciidamada milatariga qeybta 21-aad ayaa lagu arkayaa saldhigyada muhiimka ah iyo baraha koontarool ee degmada laga soo galo.

Lama oga sababta keentay in ciidamadan saakay la wareegaan Matabaan oo kamid aheyd degmooyinkii ay Ahlu Sunno maamuli jirtay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in saraakiisha ciidanka hogaamineysa isku dhaceen taliska milatariga qeybta 21-aad.

Ad
Previous articleShir Dhuusomareeb ku dhexmaray Madaxda dowlad goboleedyada oo ka hadlay Xaalada Dalka
Next articleQarax lagu dilay Taliyihii Ciidanka NISA ee Magaalada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here