Home Wararka Somaliya Puntland Puntland”Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore”

Puntland”Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay Madaxweynihii hore”

0

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay sababtii keentay in uu fashilmo Shirkii dhawaan kusoo dhamaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa maskaxdii ka dambeysay in uu fashilmo shirkaasi ka dib markii uu diiday in uu ka tanaasulo gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ay dadaal badan ku bixiyeen laakiin ugu dambeyntii ay ku fashilmeen markii uu ku dhegay gobolka Gedo.

Waxaa uu tilmaamay in caawa wixii ka dambeeya Puntland ay u aqoonsan tahay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , maadaama uu dhamaaday waqtigii la doortay.

Timacade ayaa yiri “Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay ‘Madaxweynihii hore”.

Ad
Previous articleQarax lagu dilay Taliyihii Ciidanka NISA ee Magaalada Dhuusamareeb
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Qarax lagu dilay Saraakiil ciidan oo Galmudug ku sugnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here