Home Wararka Somaliya Galmudug Qarax ka dhacay Gobalka Galgaduud iyo Sadex qof oo Ku Geeriyootay

Qarax ka dhacay Gobalka Galgaduud iyo Sadex qof oo Ku Geeriyootay

0

Wararka Naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud Gaar ahaan Degmada Galcad ayaa Sheegaya in Qarax Miino Halkaas Ka dhacay Qaraxaan ayaa sababay Dhimashada Sadex Ruux oo rag ah kuwaas lakala Oran jiray: Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.

Sadexdaan Qof ayaa saarnaa Mootada Loo Yaqaan FEKON uu qarax miino kula kacay degaanka cali heele oo u dhow Degmada Galcad.

Sadexdaan Qof ayaana La sheegay inay Qaraabo Dhow ahayeen qarax kadib ayaa waxaa goobta Gaaray Ciidamada amaanka oo soo qaaday meydka sidoo kalana sameeyey Howlgal natiijo la,aan ku soo dhamaaday.

Alshabaab ayaana Lasheegay inay Qaraxyadaan ku aseen si ay ula beegsadaan ciidamada Xooga Dalka soomaliyeed ee dhawaan budbud weerarka ku qaaday.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku Xigeenka Jubaland oo Ku Wajahan Gobalka Gedo iyo Cidamo Is Horfadhiya
Next articleGabdho Somaaliyeed oo aroos kasoo Laabtay ku La,day Shil Baabuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here