Home Wararka Maanta Gabdho Somaaliyeed oo aroos kasoo Laabtay ku La,day Shil Baabuur

Gabdho Somaaliyeed oo aroos kasoo Laabtay ku La,day Shil Baabuur

0

Haween Soomaaliyeed oo ka laabtay xaflad aroos ayaa khasaaro isugu jira dhimasho iyo mid dhaawac xalay saq-barkii uu kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bristol ee UK.

Booliiska magaalada Bristol ayaa sheegay in labo gaari oo mid kamid ah saarnaayeen gabdho Soomaaliyeed isku dhaceen xilli ay marayeen waddada M4 oo waddo halbowle ah oo aad u isticmaalaan gaadiidka.

Inta la xaqiijiyay shilkan waxaa ku dhintay labo gabdhood oo Soomaali ah ,halka ay ku dhaawacmeen saddex dumar oo kale oo la sheegay in mid kamid ah dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Booliiska ayaa sheegay in ay tageen goobta uu shilku ka dhacay , waxa ayna xuseen in halkaasi ugu tageen labo gaari oo isku dhacay kana baxay wadada , booliiska ayaa sheegay in baaritaano ku wadaan shilkan.

Ad
Previous articleQarax ka dhacay Gobalka Galgaduud iyo Sadex qof oo Ku Geeriyootay
Next articleTaliyaha Ciidamada Lugta oo Gaaray Galmudug iyo abaabul Xoogan oo bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here