Home Wararka Maanta Qaar ka mid ah Shabaabka dagaalka kula jira ciidanka Dowlada oo iskusoo...

Qaar ka mid ah Shabaabka dagaalka kula jira ciidanka Dowlada oo iskusoo dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)

0

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa isu dhiibay ciidamda dowladda ee ku sugan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud oo dhowaan ay dagallo ka dhaceen.

Laba maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta isu dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka degaankaasi Cabdikariin Axmed Dhagataag.

Xubnahan ayaa la xiriiray maamulka degaanka, waxaana wadahadal dhex maray labada dhinac, kadib u suuragashay inay degaanka Dhisaq-shurufle ciidamadii ku sugnaa isu dhiibaan, iyadoo la baaray, kadibna lagu wareegay maamulka.

Xubnahan ayaa ka mid noqonaya dhallinyararada ka tirsan Shabaabka ee billaabay inay ka baxeen Al-Shabaab, dibna ugu laabteana degaanadoodii, ayada oo dowladda ay ku dhiiri-gelisay inay kasoo baxaan kooxda oo la cafin doono.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynaha Xasan Sheekh uu wado socdaal uu ku dhiiri-gelinayo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxdan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka saareen Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool HirShabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowaladdu ay sii wadi doonto dagaalka inta Al-Shabaab ay ku harsan tahay meel ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo Alshabaab ka tirsanaa oo Xukun adag lagu riday
Next articleFaahfaahin :Dagaal Qaraar oo Alshabaab Saakay Markale Kusoo Qaadeen Deegaanka Qaayib