Home Wararka Maanta Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah...

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

0

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan heshiis lagu ahayn, isla markaana lagu majara-habaabinin bulshada.

War-saxafaadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu sheegay in diiwaangelintan ay tahay mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo duruuf adag kala kulmaya amni xumo iyo dhaqaale yari.

Puntland waxay sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta danaheeda gudaha, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, iyo kobcinta dhaqaalaha. Sidoo kale, waxay sheegtay inay qorshaynayso inay hirgeliso kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID) oo loo adeegsan doono baahiyaha gudaha ee Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa caddeysay in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana laga hirgelin karin diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka. Wasaaraddu waxay uga digtay shacabka Puntland in ay ka qaybqaataan barnaamijkan ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aqoonsiga dowladda Federaalku bixinayso uu yahay mid aan sugnayn oo ku jira gacan aan la isku hallayn karin.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci
Next articleCiidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka