Puntland oo shaacisay liiska Golaha degaanka Degmada Bandar-Bayla

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay Liiska Xubanaha golaha deegaanka Degmada Bandar-Bayla Gobalka Karkaar.

Liiska ay Wasaaradda shaacisay oo ka kooban 23 Xubnood ayaa waxaa kujira Afar haween ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay doortaan golaha degaankka Degmada Bandar-Bayla Gobalka Karkaar.

.Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaciso liiska Golayaasha degaanka ee degmooyin ka tirsan gobolada Bari & Karkaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*