Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo shaacisay in Markab ay gacanta ku dhigeen

Puntland oo shaacisay in Markab ay gacanta ku dhigeen

0

Ciidamada badda maamulka Puntland ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen markab Kalluumeysi oo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay biyaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Puntland sidda ay sheegeen Masuuliyiinta ciidanka maamulka Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa sheegay in Markabkaan ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee Puntland ka dib markii ay ka war heleen in uu halkaasi ka waday Jariif.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaasi uusan wadan wax sharci ah, islamarkaana ay ku wareejiyeen hay’addaha Caddaaladda maamulka Puntland.

Ciidanka ayaa Markabkaan keenay dekedda degmada Boosaaso ee Gobalka Bari waxaana La filayaa in Warbaahinta Loo soo Bandhigo

Ad
Previous articleWeriye Caawa Lagu dhaawacay Muqdisho
Next articleGuddiga Doorashada oo Maanta la xareenayo si Tababar Loo siiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here