Home Wararka Somaliya Guddiga Doorashada oo Maanta la xareenayo si Tababar Loo siiyo

Guddiga Doorashada oo Maanta la xareenayo si Tababar Loo siiyo

0

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa uu qorshu yahay in dowladda federaalka soomaaliya ay xareyso guddiga doorashooyinka heeer fadraaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddigan oo ka kala socda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowlada federaalka, waxaana maanta u furmaya tabar socon doono muddo afar maalmood oo socon doono, kaasi oo ku eg 27 bishan.

Guddigan ayaa shaqadooda ah diyaarinta soo xulista odayaasha soo dooran doono xildhibaanadda soo socda iyo xalinta Khilaafkii soo kordha inta lagu guda jiro howsha loo xilsaaray.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa la isaga wareysan doonaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Qorshaha shirka ayaa ah inuu dhaco maalinta sabtiga ah, iyadoona shirka lagu falanqeyn doono sida ugu wanaagsan ay ku dhici karaan doorashooyinka

Ad
Previous articlePuntland oo shaacisay in Markab ay gacanta ku dhigeen
Next articleGaroonka Diyaaradaha Caabudwaaq oo dib Loo furay, ka dib Maalmo uu xirnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here