Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa maanta shaaciyay doorashada 16-kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.
Maamulka Puntland ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay hakad ku jireen doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana hakadkaasi sabab looga dhigay Madaxweynaha Puntland oo dalka ka maqnaa.
Doorashada kuraastan goordhaw shaaciyeen guddiga doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda doorashadooda ka dshacaan magaalada Garawe ayna halkaasi kassoo baxaan xildhibaano uu si gaar ah u wato Siciid Deni.
Ad