Home Wararka Maanta Alshabaab oo War Kasoo saray Weeraradii Xalay ay Ka Geesteen Muqdisho

Alshabaab oo War Kasoo saray Weeraradii Xalay ay Ka Geesteen Muqdisho

0

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraro culus oo ku bilowday qaarkood qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen xaafado katirsan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Weeraradan Al Shabaab geesteen ayaa dhacay saqdii dhaxe ee xalay xilli inta badan dadku hurdeen, waxaana qaraxyada oo dhawaqoodu ahaa kuwa aad u culus laga maqlay inta badan Muqdisho kuwaa oo hurdada ka toosiyay dad badan.

Al Shabaab war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in qaraxyada ismiidaaminta ah iyo weerarada ku beegsadeen saldhigyo iyo xeryo ay joogeen ciidanka dowlada oo kuyaalay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu af bilaabay labada weerar ee ka dhacay saldhiga booliiska degmada Kaxda iyo sidoo kale goob ay joogeen ciidamo oo kutaala xaafada Daaru Salaam.

Al Shabaab ayaa sheegay in ciidankooda saacado kooban la wareegeen degmada Kaxda iyo xaafado kale oo katirsan Mmagaalada uqdisho ayna diideen in ciidamada dowlada sameeyaan isku gurmasho.

Waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen weerarada ay fuliyeen khasaaro dhimasho iyo kuwa dhaawac ku gaarsiiyeen ciidanka dowlada sidoo kale ku furteen gaadiid ciidan, hub iyo  saanad kale oo ciidanku lahaayeen.

“laga bilaabo Kaxda ilaa Yaaqashiid ilaa Hodan xalay Mujaahidiinta ayaa si buuxda u maamulayey islamarkaana kala xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka inta ay howlgalkooda ku guda jireen”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwii ugu cuskaa ee maqlaan dhagaha shacabka magaalada Muqdisho muddo sanado ah, waxaana weeraradan xalay hurdo la’aan ku rideen dad badan oo joogay xaafadaha weerarka ka dhaceen.

Ad
Previous articleBooliska Soomaaliya oo Ka warbixiyay Qaraxyadii iyo Dagaaladii Xalay Ka Dhacay Muqdisho
Next articlePuntland oo Shaacisay 16 kursi oo Dhawaan la dooran Doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here