Home Wararka Maanta Senotarkii U Danbeeyey Oo Galmudug lagu Doortay Maantay(Sawiro)

Senotarkii U Danbeeyey Oo Galmudug lagu Doortay Maantay(Sawiro)

0

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ku doortay senatorkii ugu dambeeyay ee kamid noqonaya xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigan katirsan Aqalka sare ee goordhaw lagu doortay ayaa horey waxaa isaga casilay Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo u wareegsaday dhinaca xildhibaanada gollaha shacabka uu hada katirsan yahay.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Senator u doortay Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa Wasiirka maaliyadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana u tanaasushay gabar musharax aheyd oo lagu magacaabo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed .

Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalkka Soomaaliya ayaa soo dhameestirmay, waxaana hada socda doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka, iyadoona la filayo in dhawwaan iyana soo dhameestirmaan kaddibna la dhaariyo.

Ad
Previous articlePuntland oo Shaacisay 16 kursi oo Dhawaan la dooran Doono
Next articleGudoomiyihii Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya oobis Casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here