Home Wararka Maanta Puntland oo Durbaba La Xiratay Itoobiya Xili ay sheegtay inay Dowlada Soomaaliya...

Puntland oo Durbaba La Xiratay Itoobiya Xili ay sheegtay inay Dowlada Soomaaliya ka Goosatay

0

Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia.

Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta.

“Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan u muuqata mid maqaam midkii hore ka sarreeya siineysa xiriirka maamulka Puntland.

Tallaabadan cusub ee ay qaadeen Puntland iyo Ethiopia ayaa imaaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa xukuumadda Addis Ababa.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii wada-shaqeyneyd kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka.

Hoggaanka Puntland oo markaas meel adag iska taagay ansixinta dastuurka ayaa tan iyo markaas ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay.”

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleAlshabaab oo Maantay Dib Uqabsaday Laba Deegaan oo Muhiim ah oo Horay looga saaray
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Israel oo War ka soo saartay samafalayaashii ciidankeedu ku laayeen Gaza