Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Israel oo War ka soo saartay samafalayaashii ciidankeedu ku...

Wararkii Ugu Danbeeyey Israel oo War ka soo saartay samafalayaashii ciidankeedu ku laayeen Gaza

0

Afhayeen u hadlay ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in waddanku uu qaadayo mas’uuliyadda khaladaadkiisa, isaga oo tixraacaya dilka toddoba ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo lagu dilay bartamaha Gaza.

Tal Heinrich ayaa xusay in Israa’iil ay wali sugayso natiijada baaritaanka dilka.

“Marka ay Israa’iil sameyso khaladaad, xitaa kuwa ugu murugada badan ee ay qirato, waxaan qaadnaa mas’uuliyadda,” ayuu u sheegay CNN-ka Erin Burnett.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Israel Lt. Gen. Herzi Halevi ayaa raali galin ka bixiyay duqeymaha cirka ee lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza, isagoo ku tilmaamay “khalad ka dhashay xog qaldan oo la siiyey ciidamada.” Waxa uu sheegay in la baarayo dhacdadii dhimashada lahayd.

Ad
Previous articlePuntland oo Durbaba La Xiratay Itoobiya Xili ay sheegtay inay Dowlada Soomaaliya ka Goosatay
Next articleTaliyaha NISA oo Maantay Xilka laga Qadaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here