Home Wararka Maanta Prof ibbi “Dad aan ku kalsoonaa uu Farmaajo ku jiro ayaa dhabarka...

Prof ibbi “Dad aan ku kalsoonaa uu Farmaajo ku jiro ayaa dhabarka iga jebiy”ay

0

Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday ayaa ku fashilmay in mar kale noqdaan Xildhibaano, waxaana xubnahaasi ku jira siyaasiyiin aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo rajo badana ka qabay in mar kale soo laabtaan.

Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida waalida ah u taageersanaa Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna aaminsanaa siyaasigan rugcadaaha ah in Farmaajo mar kale ka dhigi doono xildhibaan .

Waxa uu sheegay Ibbi in uu ahaa halgamaa weyn oo katirsanaa Nabad iyo Nolol, waxa uuna cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo sabab u ahaa in uu waayo kursugiisa Xildhibaanimo uuna dhabar ka toogasho ku sameeyay.

“Dad aan ku kalsoonaa uu Farmaajo ku jiro ayaa dhabarka iga jebiyay, Waxa qaldamahay waa dhabar ka toogasho dadka intooda badan dhowr jeer ii sheegeen balse ugu dambeyn aan arkay, mana filaneyn meesha ay iga gaarsiisneed & halka ay ku dhammaatay” ayuu yiri Prof Ibbi.

Prof Ibbi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu dhaafiyay kursiga Xildhibaanimo uu ku fadhiyay uuna siiyay qof kale, waxa uuna xusay in arrintan aysan eed ku laheyn Koonfur Galbeed balse Farmaajo iyo Villada ka dambeeyeen.

Waxa uu sheegay Ibbi in uu kheyr u ahaa in kursiga Xildhibaanimo waayo uuna halis ugu jiray in Farmaajo uu aabbe dhihi jiray uu katarabiil u noqdo uuna gaarsiiyo heer kale, balse hada ilaha badbaadiyay

Ad
Previous articleDoorashada 11 kii Kursi ee Taalay Baladweyne oo Dib loo dhigay iyo Sababta oo la Shaaciyay
Next articleDowlada Soomaaliya Dowlada Qatar oo Heshiisyo Cusub kala Saxiixday Xili Farmaajo Wali Qatar Ku Suganyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here