Home Wararka Maanta P.M Xamza Cabdi Barre oo magaalada New York Kulan kula Qaatay Xildhibaan...

P.M Xamza Cabdi Barre oo magaalada New York Kulan kula Qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar(Sawiro)

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada New York ayaa halkaasi kula kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhaan oo kamid ah Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka oo salaan ugu tegtay ra’iisul wasaaraha ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxay sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka usii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Dhinaca kale, ra’iisl wasaaraha oo ka qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu kaga warrmay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ku tillaabsanayo.

Mudane Xamza ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Wuxuu sheegay in xukuumadda federaallka Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayey tallaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro yoolasha horumarka waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabba-gelinta hannaan lagu kobcinayo wax soo-saarka beeraha dalka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay.

Ad
Previous articleDagaal culus oo kasocda deegaanada Balicad iyo Bali sonkor ee Galmudug
Next articleNinkaan dartii waxaa gorodda iskula jira Canada iyo Hindiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here