Home Wararka Maanta Ninkaan dartii waxaa gorodda iskula jira Canada iyo Hindiya

Ninkaan dartii waxaa gorodda iskula jira Canada iyo Hindiya

0

Hindiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublamaasi sare oo Canadian ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Delhi ayaa sheegtay in go’aankeeda uu ka tarjumayo waxa ay ugu yeertay welwelka sii kordhaya ee ku aaddan faragelinta diblomaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha ee Hindiya.

Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Canada uu ku dhawaaqay in dublamaasi u dhashay dalka Hindiya la eryay.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee sii kordhaya ayaa salka ku haya sheegashada Canada ee ah in wakiilada dawladda Hindiya laga yaabo inay ku lug lahaayeen dilkii, bishii Juun ee sanadkan, loo gaystay nin u dhaqdhaqaaqi jiray arrimaha bulshada Sikh Hindiya ee dalka Canada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Hardeep Singh Nijjar.

Ninkaan dilkiisu waxaa uu ka dhacay gobolka British Columbia ee dalka Canada.

Hindiya ayaa eedeyntaas ku tilmaantay mid aan caqli gal ahayn. Mareykanku wuxuu muujiyay “walaac qoto dheer” oo ku saabsan eedeymaha Canada wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in dambiilayaasha la horkeeno cadaaladda.

Ad
Previous articleP.M Xamza Cabdi Barre oo magaalada New York Kulan kula Qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar(Sawiro)
Next articleWasiirka Gashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo abaabul ka wado Dhuusamareeb Xili Alshabaab Ceel lahelay La wareegeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here