Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka oo ay iyana ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo aad u daran.
Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda Gedo, uguna kuurgeli lahaa nolosha qoysaska ay saameysay fatahaadaha.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya dalka.
Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobolkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).